Contrôle des motifs de détention en Somalien

Version imprimable (PDF, 151 Ko)

Hay'ada Sare ee Socdaalka iyo Qaxootiga Kanada
Qeybta Socdaalka

Yay tahay inuu akhriyo qoraalkan?

Waxaa la rabaa inaad akhrido qoraalkan haddii aad tahay qof la xidhay si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqiisa amaba aad garanayso qof sidaa oo kale ay ku dhacday lagana dalbaday inuu hor tago Qeybta Socdaalka ee hoos tagta Hay'ada Sare ee Socdaalka iyo Qaxootiga Kanada (Immigration Division of the Immigration and Refugee Board of Canada (IRB)/Section de l'immigration de la Commission de l'immigration et du statut de réfugié du Canada (CISR)) si loogu sameeyo dhageysiga lagu eegayo xidhayga lagu xakameeyey dhaqdhaqaaqiisa.

Waa maxay doorka ay ka ciyaari karto hay'adu (IRB/CISR) dib-u-eeggidda xidhayga gaaban?

Hay'adu (IRB/CISR) waxay u dhageysataa xidheygaaga gaaban si ay u go'aamiso in lagu sii daayo ama lagu sii hayo. Hay'adu (IRB/CISR) waxaya tahay maamul garsoor oo madaxbannaan oo gaadhi kara go'aano sharci ah – inkast a oo ay u dhiganto maxkamad, haddana wey ka qaab dabacsan tahay dhinaca maamuuska.

Waa maxay doorka Hay'ada u Qaabilsan Kanada Adeega Xuduuduhu (CBSA/ASFC)ay ka ciyaari karto dib-u-eeggidda xidhayga gaaban?

Doorka Hay'ada Adeega Xuduuduhu (CBSA/ASFC) waxa weeye maareynta arrimaha xuduudaha, kontaroolka xuduudaha, iyo ilaalinta xuduudaha Kanada. Waxaa mas'uuliyadda hay'adan (CBSA/ASFC) ka mid ah qabashada iyo hakinta qofka ka soo gudbaya xuduudaha Kanada si sharci darro ah isaga oo aan wadan fasax lagu galo ama lagu dego Kanada, waxaa kale oo xilka hay'adda ka mid ah masaafurinta dadka soo mara wadooyinka sharci darrada ah.

Waxaa ku qabatay hay'ada CBSA/ASFC oo kuu qabatay arrimo socdaalka la xidhiidha. Maxaa xigaya qabashadaada?

Haddii aad tahay qof haysta deganaanshaha joogtada ah ee dalka ama aad tahay qof ajnabi ah, waxaad xaq u leedahay in si madaxbannaan loo dhageysto qaddiyadaada si la isula meel dhigo sababta laguu qabtey ee loo xannibay dhaqdhaqaagaaga. Markey hay'ada CBSA/ASFC ku qabato, waxay ku qasban tahay inay la socdsiiso xidhaygaaga Qeybta Socdaalka ee IRB/CISR. Qof IRB/CISR ka tirsan oo ay taladu-ka-go'do oo loogu yeedho xubin ayaa qabta dhageysiga qabashadaada muddo 48 saacadood gudahood ah ama sida ugu dhakhsaha badan. Dhageysiga qaddiyadaada ka dib, xubinka ayaa go'aamiya in lagu sii daayo iyo in lagu sii hayo.

Waxaa ku soo gaadhaya ogeysiis kuu sheegaya goobta iyo wakhtiga la qabanayo dhageysiga qaddiyadaada ku aadan xidhayga lagu xannibay dhaqdhaqaagaaga.

  • Qofka haysta deganaanshaha joogtada ah waa qof ay dowlada Kanada u ogolaatay inuu waddanka Kanada ugu noolaado si joogto ah. Dadka sidan oo kale ah waxay muddo ka dib dalban karaan inay noqdaan muwaadiniin reer Kanada ah.
  • Qofka ajnabiga ah waa qof aan haysan dhalashada Kanada ama deganaanshaha joogtada ah ee Kanada isla markaana ka yimid wadan kale.

Yaa ku caawin kara?

In qof la qabto oo la xidho iyadoo la xakameynayo dhaqdhaqaaqiisa waa arrin culus. Haddaba marka ay arrintan oo kale kula soo gudboonaato, in kastoo aad karto inaad adigu naftaada matashid oo aad u doodid marka qaddiyadaada la dhageysanayo, haddana waxaad awoodaa inaad qabsato qof kuu dooda kulana taliya. Qofkan kula talinaya wuxuu noqon karaa garyaqaan ama qof ku diiwaan gashan inuu yahay la taliye xaga socdaalka (hijrada). Haddaad joogto gobolka Kubeek (Quebec), la taliyahaagu wuxuu noqon karaa waxa loo yaqaan nootaayo 'notary'. Mar walbana adiga ayuu ku saaranyahay kharashka dadka aad qabsatey si ay kuula taliyaan. Balse haddii aadan awoodin kharashkaas ku baxaya garyaqaanada kula talinaya, isla markaasna aad buuxiso shuruudaha gobolka u yaal dhinaca arrintan, waxaa laga yaabaa inaad hesho kaalmo garyaqaan oo lacag la'aan ah. Waxaa kale oo jira qeybo ka mid ah ururada bulshada iyo ururo diimeed iney ku caawiyaan oo aad gacan ka hesho. Waxaad weydiin kartaa qof kamid ah hawlwadeenada CBSA/ASFC inuu kaa gacan qabto macluumaadka arrintan la xidhiidha. Haddii aad go'aansato inaad qabsato qof kula taliya ama qof ku gacan qabta waa inaad sida ugu dhakhsaha badan u gudagashaa arrintaas oo aadan dib u dhigan.

Sidee u dhacaa dhageysiga xidhayga gaaban?

Xubinta ayaa u xilsaaran dhageysiga. Xubinkan wuxuu ku furaa dhageysiga inuu dadka qof qof isu baro, kadibna uu sharaxaad ka bixiyo sida hawshu u socon doonto. Haddaba haddii aadan fahmeynin luuqadaha kala ah Faransiiska iyo Ingriiska, waxaa goobjoog noqon doona goobta dhageysiga qof kuu turjuma.

Haddii marka la dhageysanayo qadiyadaada u joogo turjumaan, xubinku wuxuu xaqiijin doonaa inaad adiga iyo turjumaanku si fiican luuqad ahaan isu fahmeysaan.

Intaa ka dib:

  • Waxaa goobta ka sharixi doona waxa laguu haysto ee aad u xirantahay ("sababta keentay in lagu haysto") qofka ka socda hay'ada CBSA/ASFC isagoo soo bandhigaya dhinacooda siday arrinta u arkaan iyo cadeymaha xoojinaya aragtidooda. Waxaa dhici karta in la soo bandhigo sababo ka badan hal oo lagugu haysto.
  • Adiga ama la taliyahaaga ayaa waxaa fursad la idiin siin doonaa inaad bixisaan jawaab si aad u sharaxdaan aragtidiina ama su'aalo u soo jeedisaan.
  • Hadday goobta joogaan markhaatiyo si ay u dhiibaan macluumaad, waxaa su'aalo weydiin kara qofka ka socda CBSA/ASFC, ama adiga ama sidoo kale la taliyahaaga. Waxaa kale oo su'aali kara xubinka.
  • Kadib marka u xubinku dhageysto aragtida qofka ka socda CBSA/ASFC iyo taada ama qofka ku matalaya, wuxuu gaadhi karaa go'aan ah in lagu sii daayo ama lagu sii hayo.

Waa maxay sababaha keenay haysashada?

Hay'ada CBSA/ASFC waxay weydiisan xubinka in lagu sii haysto haddii ay u arkaan in ugu yaraan hal ka mid ah arrimaha soo socda aad ku sifowdey.

  1. Inaad bulshada khatar ku tahay.

    Si ay arintan u xoojiso, hay'ada CBSA/ASFC waxay soo bandhigi kartaa tusaalooyinkan:

    • dhaqan gacan ka hadal ah oo aad horey u sameysey;
    • xukun fal-dambiyeed oo la xidhiidha gacan ka hadal, hub, daroogo ama galmo; ama
    • dhibaatooyin la xidhiidha qabatin (balwad) daroogo ama tu khamri.

    CBSA/ASFC waxay soo bandhigi kartaa dhaqano, xarakaad iyo caddeymo xoojinaya aragtidooda ku aadan inaad tahay qof khatar ah.

    Haddii ay CBSA/ASFC ku andacooto inaad khatar ku tahay bulshada, waxaad xubinka u soo jeedin kartaa cadeymo aad ku muujinayso inaadan qabin inaad tahay waxa lagugu tilmaamay.

  2. Waxaad soo xaadiri weyday mar lagaa dalbadey inaad soo xaadirto, tusaale sida qadiyadaada dhageysigeedii ama mar Kanada in lagaa masaafuriyo la rabay.

    Si ay sheegashadan oo kale u xoojiyaan, CBSA/ASFC waxay la imaan karaan tusaalooyin kala ah mar aad balan u goysey, inaan lagu arag mar la rabay in Kanada lagaa masaafuriyo, inaad sharci jabisey ama inaad tahay qof aan la isku haleyn karin sidoo kalena ah qof aan la aamini karin. Xubinku wuxuu tixgalin doonaa arimahan oo dhan marka uu go'aaminayo inaad tahay qof u eg mid aan soo xaadireyn.

    Haddii hay'ada CBSA/ASFC du ay ku andacooto inaad u eg tahay qof an soo xaadireyn, waxaad hor dhigi kartaa xubinka caddeymo muujinaya inaad soo xaadiri doontid marka lagaa dalbado sidaas.

  3. Aqoonsigaa shakhsi ahaaneed ayaan la sugin laakiin waa la sugi karaa

    Waxaa laga yaabaa inaad Kanada soo gashey adoon wadan wax lagugu aqoonsado ama adigoo wata waraaqo aqoonsi oo aan sax ahayn.
    Haddey arrintu sidaa noqoto, wasiirka ayaa wuxuu sixiixi waraaq rasmi ah (dukumeenti) la yidhaahdo aragtida Wasiirka. Mar haddii dokumentigaas la saxiixana, waa inay CBSA/ASFC ku dadaashaa sida ugu macquulsan ee ay aqoonsigaa (dhalashadaada) meeel u saari lahayd.

    Waa inaad ku gacan qabataa CBSA/ASFC meel saaridda aqoonsigaaga (dhalashadaada). Waxaanad ku caawin kartaa inaad raadsato sidaad ku heli lahayd waraaqo aqoonsi ama inaad warbixin wax ka taraysa aqoonsigaaga siiso CBSA/ASFC.

    Xubinka ayaa tixgelin siin doona iskaashiga aad u muujiso CBSA/ASFC inta uusan go'aan gaadhin.

  4. CBSA/ASFC ayaa qabta inaan laguu ogoleyn joogitaanka Kanada sababo la xidhiidha amniga ama ku xadgudubka xuquuqda insaanka, dambiyo culus, fal dambi ama ururo dambiilanimo.

    CBSA/ASFC ayaa sharixi doonta talaabooyinka ay qaadayaan si ay u helaan inaad tahay qof aan loo ogolayn inuu Kanada joogo sababahaa mid ka mid ah darteed. Xaaladdan oo kale, xubinka oo kaliya ayaa eegi kara in shakiga CBSA/ASFC du uu macquul yahay sidoo kalena ay qaaday talaabooyinkii baadhitaanka ee loo baahnaa.

    Si feejigan u dhageyso waxa uu sheegayo qofka ka socda CBSA/ASFC. Haddii aad fahmi waydo, faahfaahin dheeri ah warso.

Xubinku wuxuu go'aamin doonaa haddii ay jiraan ama hadayna jirin asbaab laguu haysan karo. Xitaa haddii ay jiraan sababo mujinaya in lagu hasyto, waxaa dhici karta inuu xubinku ku sii daayo haddii ay jiraan waxyaabo macquul ah oo badiil u noqon kara haysashadaada.

Waa maxay waxa badiilka u noqon kara xidhayga lagu xanibo dhaqdhaqaaqa (haysashada)?

Waxaa haysashada badiil u noqon kara shuruud uu xubinku amrayo oo dabooli karta khatarta ad keeni karto.

Tusaaloyinka xaaladaha xubinku ku dabooli karo khatartaada, ayaa waxaa ka mid ah inaad u hogaansanto bandow lagugu soo rogo, inaad la noolaato qof cayiman, ama inaad ka dheeraato cabidda khamrada ama qaadashada maandooriyayaalka kale. Xubinka ayaa go'aaminta shuruudda ku haboon xaaladaada iska leh.

Waxaa kale oo u xubinku ku dari karaa shuruudaha sii deynta isagoo go'aamiya in loo baahanyahay in la dhigo lacag dammaanad ah. Waxaa jira laba nooc oo dammaanad ah: dammaanad lacag ah iyo dammaanad macaamalo (performance). Dammiinka dammaanada qaadaya wuxuu noqon karaa saaxiib, qof qoyskaaga ka mid ah ama hawlwadeen bulshada. Marka la dhageysanayo qaddiyadaada, waxay qofka ka socda CBSA/ASFC iyo xubinku waydiin karaan dammiinka aad soo xulatay macluumaad ka caawin kara xubinka inuu go'aan ka qaato munaasabnimada dammiinka.

Markaad isu diyaariso dhageysiga qaddiyadaada, waa inaad ka fakartaa badiilo macquul ah. Tusaale ahaan, waa inaad ka fakartaa dad dammiin noqon kara, lacag intee la'eg ayaa deebaaji loo heli karaa, iyo wixii maclumaad ah ee aad xubinka u gudbin karto si ay uga kaalmeyso go'aan qaadashada. Waa inaad hubisaa inuu dammiinku xaadir yahay si uu uga jawaabo su'aalaha qofk ka socda CBSA/ASFC iyo xubinka.

  • Marka lacag dammaanad loo dhigo

    Haddii u xubinku dalbado in la dhigo lacag dammaanad ah, waa in adiga ama shakhsi kale oo dammiin ah uu dawlada Kanada lacagta u dhigaa deebaaji ahaan. Tanina waxay u taagan tahay in la xaqiijiyo inaad buuxisay shuruudihii sii deyntaada. Haddii aad ka soo bixi weydo shuruudaha lagaa rabo, dawlada Kanada lacagta kuuma soo celin doonto sidoo kalena CBSA/ASFC waxaa laga yaabaa iney ku xidho oo ay ku xakameyso.

  • Marka dammaanada uu shakhsi noqdo (dammiin)

    Haddii uu xubinku amro inuu qof ku damaanad qaado, waxaa damiinkaaga laga rabaa inuu sixiixo dokumenti uu ku caddeynayo inuu lacag u bixin doono. Kani waa balan uu qaadayo oo uu ku caddeynayo inaad shuruudaha oo dhan kasoo bixi doonto. Haddii aad ka soo bixi weydo shuruudaha lagaa rabo, dawladda Kanada lacagta waxay ka qaadi doontaa dammiinkaaga sidoo kalena CBSA/ASFC waxa laga yaabaa inay ku xidho oo ay ku xakameyso.

  • Dammiin

    Dammiinku waa qof aaminaad leh oo xaqiijin kara inaad buuxin doonto shuruudaha lagu xidhey sii deyntaada. Si uu dammaanadda qaado, waa in uu dammiinkaagu noqdaa muwaadin Kanadi ah ama qof haysta deganaanshaha joogtada ah ee Kanada. Waxaa kale oo dammiinka laga rabaa inuu muujiyo inuu bixin karo lacagta dammaanada sidoo kalena ay xaqiijin karaan inaad u hogaansato shuruudaha sii deyntaada.

Marka uu dhageysto labada dhinac oo kala ah qofka ka socda CBSA/ASFC iyo adiga ama qofka ku matalaya, wuxuu xubinku go'aamiyaa in lagu sii daayo ama in lagu sii hayo. Badanaaba xubinku wuxuu dhiibaa go'aanka iyo sababaha go'anakan uu gaadhay dhammaadka dhageysiga. Haseyeeshee, waxaa kale oo uu xubinku sameyn karaa, inuu qabto maalin kale oo dhageysi si uu go'aanka iyo sababaha go'aanka u sheego, haddii sababuhu ay yihiin kuwo qalafsan oo u baahan inuu xubinku ka fiirsado oo uu wada fiiriyo caddeymaha oo dhan inta aanu go'aan gaadhin.

Maxaa dhacaya haddii uu xubinku go'aamiyo in lagu sii hayo (xabsi gaaban)?

Haddii lagugu amro inaad ku jirto xakameyn, waxaad xaq u leedahay dhageysi kale oo qadiyadaada la dhageysto, todoba maalmood gudahood. Haddii u mar kale xubinku go'aamiyo in lagu sii hayo dhageysiga labaad, waxaa la fiirin doonaa sababta sii haynta  mar kale sodon maamood gudahood. Waxaa kale oo markasta sodonkii maalmoodba la eegi doonaa sababta laguu hayo ilaa lagaa sii daayo ama lagaa masaafuriyo Kanada. Eegid kasta oo lagu eegayo xabsigagaa gaaban, waxaad soo bandhigi kartaa caddeymo cusub oo aad ku xoojinayso dalabkaaga ah in lagu sii daayo. Tusaale ahaan, waxaad keeni kartaa damiin cusub oo diyaar u ah inuu ku garab qabto.

Maxaa dhici kara marka lagu sii daayo?

Kadib marka lagu sii daayo, haddii aad Kanada sii joogto, waa inaad buuxisaa shuruudaha siideyntaada. Shuruudahani waxay taagnaan doonaan oo lagaa rabaa inaad ilaaliso ilaa Kanada lagaa masaafuriyo ama la badalo ama la tirtiro. Waxaad weydiisan kartaa Qeybta Socdaalka in lagaa badalo ama lagaa tirtiro shuruudaha, haddii laga soo wareegay muddo dheer oo adiguna si buuxda u ilaalinaysey, ama sidoo kale haddii durufahaagu ay aad isu badaleen intii ka dambeysey xilligii lagu cayimay shuruudaha. Arrinta dalabku haddey timaado, waa inaad qoraal ahaan ugu soo gudbisaa Qeybta Socdaalka adigoo qeexaya sababta aad u maleynayso in loo badalo shuruudaha, waxaanad nuqul (koobi) warqaddaada kamid ah u dirtaa CBSA/ASFC.

Fiiro gaar ah : Haddii wasiirku uu kuu aqoonsado inaad tahay "qof ajnabi ahan loo gartey", macluumadka warqadan ku xusan badankiisu kuma khuseeyo.
Haddii aad tahay qof ajnabi ahan loo gartey, xubinka wuxuu wakhtiga dhageysigaaga kuu sharixi doonaa sida dib u eeggidda xabsiga gaabani u shaqeeyo marka la fiiriyo dadka wadcigaaga oo kale ah.