Claimant's Important Instructions in Somalian

Printable version (PDF, 333 KB)

MACLUUMAAD MUHIIM U AH QOF DALBADAHA

Qoraalkan waxaa ku xusan macluumaad muhiim ah oo la xidhiidha ogeysiiska in lagu arko (Notice to Appear) ee aad heshey markii aad dalbatay magangalyada qaxootinimada. Waxaa kale oo ku xusan macluumaad dheeri ah oo muhiim ah lagaana rabo inaad si gaar ah u dheehato. Macluumaadkan oo isugu jira qoddobadan soo socda:

  1. Waxaad xaq u leedahay in aad qabsato qof ku matala, kaasoo kharashkiisa aad adigu iska bixiso. Waxaana la rabaa in qofka ku matalaya uu soo xaadiro maalinta dalabkaaga (dacwadaada) la dhageysanayo oo aanu sina u maqnaan.
  2. Waxay adiga mas’uuliyadeedu ku saaran tahay helitaanka, kadibna u soo gudbinta Hay’ada Magangalinta Qaxootiga (Refugee Protection Division (RPD)) ee hoos timaada Hay’ada sare ee Socdaalka iyo Qaxootiga ee Kanada (Immigration and Refugee Board of Canada (IRB)), wax alla wixii dokumenti ah ee la xidhiidha islamarkaana lifaaq u noqon kara dalabkaaga magangalyo ee qaxootinimo. Waana inaad raadinta dokumantiyadaas si degdeg ah u gudagashaa oo aadan sina ula daahin.

ARRIN KU SAABSAN OGEYSIISKA IN LAGU ARKO WAKHTIGA DHAGEYSIGA DACWADAADA

Waxaa dhacda in ogeysiiska in lagu arko uu kugu soo gaadho laba siyaabood midkood. Labadaas siyaabood oo kale ah sida ka muuqata tusaalayaasha hoose (F.G. eeg labada khaanadood ee hoos ku xusan). Tusaalayaashan ayaa u kala baxa sida xafiisyada ku yaal meesha aad ka soo gashey markaad is dhiibeysey iyo xafiisyada ku yaal wadanka gudahiisa ee aad iska dhiibtey adigoo wadanka dhex jooga. Waxaa marka hore muhiim ah inaad kala garato sida uu ogeysiiska in lagu arko ah uuu kugu soo gaadhay iyo meesha aad ka qaadatey (F.G. xusuuso ma dibada ayaad ka timid mise waddanka gudihiisa ayaad joogtey markaad codsanaysey magangalyada qaxootinimo). Ka dib akhri qeybaha waraaqahan ka khuseeya nooca isdhiibkaaga, adigoo si gaar ah ugu feejigan maalmaha iyo wakhtiyada la xidhiidha nooca uu yahay ogeysiiska ah in lagu arko ee aad heshey.

CODSIGA QAXOOTINIMO EE LAGA DALBADAY:

MEESHA AD KA SOO GASHEY MARKAAD IS DHIIBEYSAY
(sida gagida diyaaradaha, xuduud, ama dakad)

Notice to Appear for a Hearing section 3 & 4 

[Alternate format]

The image illustrates a form.

[Refugee Protection Division Rules, subsection 3(4)]

In the claim for refugee protection of:

Take notice that you must present yourself at:

The Immigration and Refugee Board

[full address where hearing is to be held]

#1 on           , 20    at     for the purpose of attending a hearing of your claim for refugee protection. You must be present and ready to proceed at the start time that has been set. If you do not appear at the hearing fixed for your refugee claim your claim may be declared abandoned.

#2 Special Hearing date if you did not attend the hearing of your claim:

If you fail to attend the hearing on the date indicated above, you must appear on (original hearing date + 5 working days) at 9:00 am, at the same location indicated above, to explain your failure to attend the hearing. Otherwise, your claim may be declared abandoned. If you did not attend the hearing on your claim because of medical reasons, a medical certificate is required. The medical certificate must contain the information set out in the Claimant's Guide. If the Refugee Protection Division (RPD) decides not to declare the claim abandoned, the RPD must start or continue the proceedings on the day the decision is made or as soon as possible after that day. Therefore, you must be prepared to proceed with the hearing of your claim immediately following the special hearing.

#3 Providing the Basis of Claim Form:

The RPD must receive your completed Basis of Claim Form no later than 15 days after the date your claim was referred to the RPD. If you fail to provide your completed Basis of Claim Form on time, you must appear at a special hearing with your completed form. For the date and time of your special hearing, please refer below.

#4 Special Hearing date if the Basis of Claim Form is not received on time:

If the RPD does not receive your Basis of Claim Form on time, you must appear on (5 working days after the due date of the BoC) at 9:00 am, at the same location indicated above, to explain why your Basis of Claim Form was not received by the RPD within the specified period. If you do not appear, the RPD may declare your claim abandoned. If the RPD is satisfied with your explanation and your claim is not declared abandoned, the hearing of your claim will take place as scheduled.

XAFIISKA WADANKA GUDIHIISA AH EE AAD ISKA DHIIBTAY
Waxaa foomkan kuu soo diray mas’uul ka tirsan xafiiska Jinsiyad iyo Socdaalka marka codsigaaga qaxootinimo loo gudbiyo Qeybta Qaxootiga iyo Magangalyada (Refugee Protection Division) ee hoos tagta hay’adda sare ee Socdaalka iyo Qaxootiga ee Kanada (Immigration and Refugee Board of Canada).

Notice to Appear for a Hearing section 

[Alternate format]

The image illustrates a form.

[Refugee Protection Division Rules, subsection 3(4)]

In the claim for refugee protection of:

Take notice that you must present yourself at:

The Immigration and Refugee Board

[full address where hearing is to be held]

#1 on           , 20    at     for the purpose of attending a hearing of your claim for refugee protection. You must be present and ready to proceed at the start time that has been set. If you do not appear at the hearing fixed for your refugee claim your claim may be declared abandoned.

#2 Special Hearing date if you did not attend the hearing of your claim:

If you fail to attend the hearing on the date indicated above, you must appear on (original hearing date + 5 working days) at 9:00 am, at the same location indicated above, to explain your failure to attend the hearing. Otherwise, your claim may be declared abandoned. If you did not attend the hearing on your claim because of medical reasons, a medical certificate is required. The medical certificate must contain the information set out in the Claimant's Guide. If the Refugee Protection Division (RPD) decides not to declare the claim abandoned, the RPD must start or continue the proceedings on the day the decision is made or as soon as possible after that day. Therefore, you must be prepared to proceed with the hearing of your claim immediately following the special hearing.

MAALMO MUHIIM AH

Qoraal la xidhiidha guud ahaan Ogeysiisyada in La Arko Qofka

1 - Maalinta la dhagaysanayo dacwada dalabkaaga qaxootinimo: Maalintani waa maalinta koowaad ee ogeysiiska in lagu arko. Haddii ad imaan kari weydo dhageysiga dacwadaada sababo caafimaad, fadlan ka dhex fiiri qeybta Claimant's Guide (oo Af Soomaali ahaan u dhiganta Hagaha Qofka Dalabka Sameynaya) ee dokumentigan ka midka ah, waxa lagaa rabo inaad sameyso.

  • Waxaad kartaa inaad soo kaxaysatid qof kale oo kaa caawiya markaad soo bandhigeysid codsigaaga. Qofkani wuxuu noqon karaa tusaale ahaan saaxiibkaa ama ehelkaa, balse waa in aanu qofkaasi sinaba u noqon qof lacag ama wax la mid ah kaa qaata si u kuu caawiyo marka ay dhageysanayso dacwadaada Qeybta Magangalinta Qaxootiga (ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan RPD). Waxaa kale oo aad ijaaran kartaa ama qabsan kartaa la taliye (counsel) ku matala.
  • Waxaa daruuri ah, qofka aad ijaaranayso ama aad qabsanayso si uu kuula taliyo waa inuu yahay qof ka ah xubin sharaf leh hay’adaha kala ah Ururka Garyaqaanada Gobolka (garyaqaan iyo garyaqaano kalkaal), Rugta Ansaxinta ee Kubeek (Chambre des notaires du Quebec) ama La Taliyaasha dhinaca Socdaalka ee Gudiga wax Toosinta Kanada (Immigration Consultants of Canada Regulatory Council). Qofka xubinka ka ah ururadan saddexda ah ayunbaa marka dacwadaada lagu dhageysanayo Hayada Magangalinta Qaxootiga haddii u ku matalo lacag kaa qaadan kara. Haddii aad go’aansato inuu lataliye ku matalo waa inaad ku talagashaa inaad kharashkiisa adigu bixinayso.
  • Haddii aad go’aansato inaad qabsato ama ijaarato lataliye inuu ku matalo, waa inaad sidaa u yeeshaa si dhakhso ah oo aadan dib u dhigan. Haddii adan haysan kharash kugu filan oo aad ku bisixo lataliye waxaa kuu furan inaad la xidhiidhto xafiiiska ka kaalmeeya dhinaca shuruucda dadka ee gobolka aad dagan tahay, si ay kuugu sheegaan haddii ay jirto gacan qabasho iyo meesha aad ka heli karto gacan qabashadaa. Waxaa la socda xidhmada-qoraal ee dalbadaha “Claimant's Kit” liis ka kooban xafiisyada xagga shuruucda ka kaalmeeya dadka.
  • Haddii ad qof ka dalbato inuu ku kaalmeeyo marka la dhageysanayo dacwadaada, waa inuu qofkaasi soo xaadiraa oo u goobjoog ahaadaa maalinta dhageysiga dacwadaadu ay qoondeysantahay. Ugu yaraan waa inaad haysato la taliye, ama aad na soo wargaliso shan casho gudahood marka aad hesho ogeysiiska maalinta iyo taariikhda la dhageysanayo dacwadaada, hay’ad magangalinta qaxootigu (RPD) sina uma baddali doonto maalinta iyo taariikhda dhageysiga dacwadaada loo qoondeeyay haddiiba ay dhacdo inuu la taliyahaagu soo xaadiri waayo. Waxa kale oo aanan la sameyneyn in wakhtiga la badalo si la isu waafajiyo wakhtiga dambe ee la heli karo lataliye la rabay inuu yimaado balse soo xaadiri waayey.

2 - Maalintaada dhageysiga khaaska ah: Maalintani waa maalinta labaad xaga ahmiyadda ee taxanaha Ogeysiiska Aragga (Notice to Appear) ee adiga ku khuseeya.

  • Haddii lagu waayo oo aad iman weydo dhageysiga dacwadaada dalabka qaxootinimo maalinta ugu horeysa ee lagu sugayey, waxaad khatar galineysaa codsigaaga taaso laba xiri karo.
  • Marka la dhageysanayo dacwadaada khaaska ah, waxaa lagaaga fadhiyaa inaad sharaxaad ka bixiso sababta aad u soo xaadiri weyday maalintii laguu qoondeeyey in la dhageysto dacwadaada magangalyada qaxootinimada.
  • Haddii ay hay’ada magangalinta qaxootigu (RPD) ku qanciweydo cudurdaarka aad u sheegto, dacwadaada waa la xidhayaa waxaana lagu tirindoonaa inaad ka talo baxdey.
  • Waxa kale oo la arkaa inay Hay’ada Magangalinta Qaxootigu (RPD) iskaba xidho dacwadaada iyadoon kula soo xadhiihdin, haddii aad soo xaadiri weydo maalinta dhageysiga dacwadaada khaaska ah.
  • Haddii ay Hay’ada Magangalinta Qaxootigu (RPD) go’aamiso inaad ka tala baxdey dacwadaada dalabka magangalyada qaxootinimo, laguuma ogolaan doono inaad sii waddo dalabka aad markaa wadday sidoo kalena laguuma ogolaan doono inaad mustaqbalka sameyso wax dalab dambe ah.

HADDII AAD DALABKA MAGANGALYADA QAXOOTINIMO AAD KA SAMEYSEY MEESHII AAD KA SOO GASHEY DALKA (sida xuduudaha oo aad ka soo talowday, gagida diyaaradaha oo aad ka soo degtey, ama dakadaha oo aad markab kaga degtey), hawl-wadeen u qaabilsan xafiiska Socdaalka ayaa ku siiyey xidhmo qoraalo ah oo dalbadaha loogu talagalay (ama Claimant's Kit)

Xidhmadan waxaa ka mid ah foom buuxin kaaga baahan oo la yidhaahdo Basis of Claim (Af Soomali ahaana u dhigma, waxa asaaska u ah inaad samayso codsi magangalyo qaxootinimo) iyo dokumentiyo kale oo la jira oo lagaaga baahanyahay inaad soo buuxiso inta ka horeysa taariikhda ku qoran Ogeysiiska Aragga (Notice to Appear) ee la xidhiidha maalinta loo qoondeyey dhageysiga dacwadaada qaxootinimo. Haddii Ogeysiiska Araga (Notice to Appear) ee lagu siiyey uu eg yahay kan ku xusan bogga koowaad ee dokumentigan qeybtiisa bidix, waxaa kale oo aad ku qasbantahy inaad ka taxadarto oo aad ilaaliso labada taariikhood ee la rabo inaad foomka “Basis of Claim” isagoo buuxa u dirto ama u gudbiso, Xafiiska Magangalinta Qaxootiga (RPD). Talaabooyinkan waa inaad qaaddaa oo aad dhameystirtaa adigoo ku dhameystiraya wakhitga hoos ku xaddidan gudihiisa, wakhtigan oo ah ka HOREEYA wakhtiga loo xaddiday in la dhageysto dacwadaada dalabka qaxootinimo.

3 - Maalinta loo baahanyahay iney helaan foomkaaga magaciisu yahay “Basis of Claim” xafiiska Waaxda Magangalinta Qaxootigu (RPD): haddii aad rabto inaad ogaato maalinta lagaaga baahanyahay inuu foomkani “Basis of Claim” gaadho Hay’ada Magangalinta Qaxootiga (RPD), waxaad tirsataa ilaa shan-iyo-toban maalmood kuwa kalendarka ah adigoo ka soo bilaabaya tirsiga maalintii uu foomku ku soo gaadhay. Haddii maalinta lagaa rabo in foomkaaga la helo (waa shan-iyo-toban bari ka dib maalintaad heshaye) ay ku soo hagaagto maalmaha aan la shaqeyneyn sida Sabti, Axad ama Ciidaha wadanka ee ay xafiisyadu xidhanyihiin, waxay maalinta lagaa rabo noqonaysaa maalinta ku xigta maalintaas ee shaqooyinka laga bilaabo Xafiiska Magangalinta Qaxotiga (RPD).

  • Waa inaad xaqiijisaa iskana hubisaa inaad ku lifaaqdey codsigaaga dhamaan dokumantiyada kabaya dalabkaaga. Qeybta ku saabsan sida loo sameeyo dalabka ama “Claimant's Guide” (oo af Soomaali ahaan u dhiganta Hagaha Dalbadaha), ayaa waxaa ku xusan dokumentiyada lagaa rabo inaad soo raaciso foomka “Basis of Claim
  • Hadaadan wakhtigan xaadirka ah haysanin dokumantiyada lagaa rabo, waa inaad raadintooda hadda bilowdaa oo adan dib u dhigan si ad degdeg ugu hesho.
  • Waa inaad foomka “Basis of Claim” lugahaaga adiga laftaadu shakhsiyan ku geysaa qeybta diiwaan galinta ee xafiiska magangalinta Qaxootiga (RPD) ee qaabilsan ama aad fakis ahaan ugu dirtaa isla xafiiska haddii tirada waraaqaha aad soo dirayso ay ka yar yihiin 20 xaashiyood, haddii kale waxaad ku soo diri kartaa boostada. Cinwaanka iyo lambarka fakisku ee waraaqaha lagu soo hagaajinayo waxaad ka heli kartaa qeybta Hagaha Dalbadaha (Claimant's Guide).

4 - Maalinta qeybta “Hadii foomkaaga ku magaacaban Basis of Claim aanu soo gaadhin xafiiska wakhtigii laguu cayimay”: hadii aanu Xafiiska Magangalinta Qaxootigu (RPD) helin foomkaaga ah Basis of Claim Form wakhtiga la cayimay ee ah (15 maalmood kadib maalintii uu ku soo gaaray), waxaa lagaa rabaa inaad tagto dhageysiga khaaska ah ee dacwdaada dalabka qaxootinimo adigoo lagaa rabo inaad shuruudahan hoose buuxiso:

  • Waa inaad joogtaa goobta dhageysiga dacwada markey saacaddu tahay 9 subaxnimo (a.m.) maalintii iyoo goobtii laguu qabtey sida ku xusan Ogeysiiska Araga (Notice to Appear).
  • Marka la dhageysanayo dacwadaada khaaska ah waxaa lagaa rabaa inaad sheegto sababta Xafiiska Magangalinta Qaxootiga (RPD) ad ugu soo diriweydey wakhtigii lagaa rabay.
  • Haddii lagu waayo oo aad soo xaadiriweydo dhageysiga dacwadaada khaaska ah waxa macquul ah in xafiiska RPD uu xidho dacwadaada oo uu ku tilmaamo inaad ka talo baxdey isagoon xafiisku ku soo ogeysiin ama kula soo xidhiidhin.
  • Haddii xafiiska RPD uu arko inaad ka talo baxdey dalabkaagii, laguuma ogolaan doono inaad sii waddo dacwadaada sidoo kalena laguuma ogolaan doono inaad furto ama sameyso dalab dacwad cusub.

Notice to claimant:
An English version of these important instructions is included

Avis au demandeur d’asile :
Une version française de ces instructions importantes pour le demandeur d’asile est incluse

給避難申請人的通知:
內含繁體中文版的避難申請須知

Értesítés az igénylő számára:
Ezen fontos utasítás magyar változatát is tartalmazza

난민신청자에 대한 통지
이 중요한 설명의 한국어판이 포함되어 있음

给避难申请人的通知 :
内含简体中文版的避难申请须知

ਦਾਵ੍ਹਾ ਕਰਨ ਵਾਲੇ ਲਈ ਸੂਚਨਾ
ਇਹਨਾਂ ਹਿਦਾਇਤਾਂ ਦਾ ਪੰਜਾਬੀ ਤਰਜਮਾ ਸ਼ਾਮਿਲ ਹੈ

К сведению заявителя:
Русскоязычная версия данных важных инструкций прилагается

Aviso al solicitante de asilo:
Se incluye una versión en español de estas instrucciones importantes

உரிமைகோருபவருக்கான குறிப்பு:
இந்த முக்கிய வழிமுறைகளின் தமிழ் பதிப்பும் இணைக்கப்பட்டுள்ளது

تنبيه إلى مقدم طلب اللجوء:
ستجد طيه النسخة العربية مرفقة بهذه التعليمات الهامة

دعوے داروں کے لئے نوٹس:
ان اہم ہدایات کا اردو ترجمہ شامل کیا گیا ہے

MACLUUMAAD KALE OO MUHIIM AH

Cinwaanka lagaa la soo xidhiidhayo: Haddii aadan siin Xafiiska Jinsiyada iyo Socdaalka (Citizenship and Immigration Canada) cinwaanka Kanada gudaheeda lagaala soo xidhiidhayo ama Wakaalada Adeega Xuduudaha Kanada (Canada Border Services Agency) markaad dalabka sameynaysey waa inaad u gudbisaa cinwaankaaga xafiiska RPD iyo waliba CIC ama RPD iyo waliba CBSA (hadba kii u soo gudbiyey dalabkaaga RPD) mudoo aan ka badneyn 10 maalmood gudahood laga bilaabo markii aad heshey Ogeysiiska Aragga ee dhageysiga dalabkaaga (Notice to Appear for a Hearing). Waliba waa inaad qoraal ahaan ugu sheegtaa xafiiska RPD iyo CIC ama CBSA sida ugu dhakhsaha badan, haddii cinwaankaaga ama telefoonkaagu isbadalo. Haddii aad sidaa yeeli weydo oo aadan u soo gudbin xafiiska RPD meesha iyo sida laguula soo xadhiidhayo, waxaa laga yaabaa in xafiiska RPD u aqoonsado codsigaaga inaad ka talo baxdey oo uu xidho dalbkaaga.

La Taliye: haddii ad go’aansato inaad u baahantahay la taliye ku caawiya marka la dhageysanayo dacwadaada:

  • haddaba marka aad qabsato, ijaarato ama iska baddasho la taliye waa inaad sida ugu dhakhsaha badan xafiiska RPD iyo CIC ama CBSA (hadba kooda dalabkaaga u gudbiyey RPD) qoraal ahaan ugu gudbisaa magaca la taliyahaaga, cinwaankiisa, lambarka telefoonkiisa, fakiskiisa iyo emailkiisa. Haddii la taliyahaaagu uu yahay xubin ka tirsan ururada garyaqaanada gobalada (provincial law society), Rugta Garyaqaanada ee Kubeek, ama La Taliyaasha Socdaalka ee Golaha Hawl-Toosinta Kanada, waxaa kale oo lagaa rabaa inaad soo gudbiso magaca ururka ay ka tirsanyihiin iyo lambarka xubinimadooda ururka.
  • haddii aad iska badasho la taliye, waxaa mas’uuliyadaada ah inaad xaqiijiso in la taliyaha cusub ee aad qabsato ama ijaarato inuu gacanta ku dhigo dhammaan dokumentiyada la xiriira isla markaana kaabaya dacwada dalabkaaga. Waxaan ku jira dukumentiyada adiga, RPD ama cid kale haddii ay jirto aad u gudbiseen lataliyahaagii hore.

Arjiga iska baddalida maalinta iyo wakhtiga (aminta) dhageysiga dalabkaaga: haddii aad rabto inaad iska baddasho maalinta ama wakhtiga (aminta) dhageysiga dalabkaaga, waa inaad si degdeg ah qoraal ahaan ugu codsataa.

  • Haddii aad rabto macluumaad dheeri ah oo ku saabsan sida loo sameeyo dalabka, eeg Hagaha Dalbadaha (Claimant's Guide) iyo xeerka 50 iyo 54 ee Qeybta Xeerarka Magangalinta Qaxootiga (Refugee Protection Division Rules).
  • Xafiiska RPD waa inuu helaa arjigaaga ugu yaraan saddex bari oo ah maalmaha la shaqeeyo ka hor maalinta loo cayimay dhageysiga dacwadaada dalabka, inay jiraan duruufo caafimaad ama arrimo kale oo deg-deg ah ma ahee.
  • Haddii sababta aad u badaleyso maalinta dhageysiga dacwadaaa ay tahay duruufo caafimaad, waa inaad kusoo lifaaqdaa cadeymaha caafimaadka ee keenay arrinta baddalka maalinta arjigaaga. Fahfaahin la xidhiidha macluumaadka laga rabo iney ku qorraadaan caddeynta caafimaadka ee lagaa rabo, waxaad ka heli karta Hagaha Dalbadaha (Claimant's Guide).
  • Haddii aad nusqad caddeynta caafimaadka ku soo lifaaqdo arjigaaga waa inaad caddeynta caafimaad asligeeda si dhakhso ah ugu guddbisaa RPD.
  • Xafiiska RPD waxa kaliya oo uu waafaqi karaa inuu kaa baddalo maalinta dhageysiga dalabkaaga haddii kaliya ay jiraan duruufo qeyracaadi ah. Sida haddii aad tahay qof duruuf ahaan jilicsan oo u baahan in gabbaad la siiyo iyo haddii ay jiraan arrimo degdeg ah ama dhacdo kugu keentey arrimo kaa tan weyn adiguna aad isla markaa isku deydey wixii tabartaa ah sidii aad u sii wadi lahayd dalabkii dacwadaada.
  • Waxa kaliya oo badali kara maalinta iyo wakhtiga dhageysiga dacwadaada dalabka xafiiska RPD. Haddii aynan RPD kugu wargalin waxa kale ee aad sameyn lahay, waa inaad soo xaadirtaa dhageysiga dacwadaada maalinta iyo wakhtiga laguu qabtey ee ku qoran Ogeyssiska Muuqaaga.
  • Haddii aad soo xaadiri weydo dhageysiga dacwadaada, xafiiska RPD wuxuu kuu aqoonsanayaa inaad dalabkaagii ka tanaasushay wuxuuna xidhayaa dalbkaaga.

Arjiga codsiga in lagaa baddalo goobta lagu dhageysanayo dalabka dacwadaada: Haddii aad rabto inaad iska baddasho goobta lagu dhageysanayo dacwadaada, waa inaad qoraal ahaan u soo gudbisaa sida ugu dhakhsaha badan.

  • Haddii aad rabto macluumaad dheeri ah oo ku saabsan sida loo dalbado eeg Hagaha Dalbadaha (Claimant's Guide) iyo xeerka 50 iyo 53 ee Qeybta Xeerarka Magangalinta Qaxootiga (Refugee Protection Division Rules).
  • Waa in xafiiska RPD uu helaa arjigaaga ugu yaraan 20 maalmood ka hor maalinta loo qoondeyey in la dhageysto dalabka dacwadaada.
  • Haddii aad codsato inaad iska baddasho goobta lagu dhageysanayo dacwadaada balse aadan helin jawaab arrintaa la xidhiidha, waxaa lagaa raaba inaad tagto meesha ku cad Ogeyssiska Muuqaaga una diyaar ahaataa dhageysiga dacwadaada.
  • Xafiiska RPD sida kaliya ee uu ku badali doono goobta dacwada lagu dhageysanayo ayaa waxay tahay haddii ay sababta loo badalayo ku saleysan tahay wax la taaban karo, iyadoo laga shidaal qaadanayo shuruudaha ku taxan xeerka 53 isla markaasna laga heli karo Hagaha Dalbadaha (Claiman'’s Guide).

Luuqadda lagu dhageysanayo dacwada: Ogeysiiska Araggu wuxuu ku qoranayhay luuqadaha rasmiga ah ee wadanka Kanada oo kala ah Ingriis iyo Faransiis midkoodii aad dooratay.

  • Haddii aad doonayso in dacwadaada lagu dhageysto luuqadda kale ee rasmiga ah ee wadanka adigoo iska badalaya tii horey aad u dooratey, waa inaad qoraal ahaan ugu soo sheegtaa xafiiska RPD.
  • Xafiiska RPD waa inuu helaa ogeysiintaada ugu yaraan 10 maalmood ka hor intaan dhageysiga dacwadaada.

Luuqadda turjumidda: Haddii aad rabto inaad iska baddasho luuqadda ama lahjada turjumida ee aad horey u doortey markii faylkaaga loo gudbiyay xafiiska RPD ama intaa ka dib ku jira foomkaga Basis of Claim, waxaa shardi ah inaad RPD qoraal ahaan ugu soo gudbiso.

  • Ku soo caddee luuqadda ama lahjada cusub ee aad rabto in la tarjumo.
  • Waana inuu xafiiska RPD helaa ogeysiiska arrintan ugu yaraan 10 maalmood ka hor maalinta loo qoondeyey dhageysiga dacwadada.

Dhaarta: Bilawga dhageysiga dacwadaada waa inaad dhaarataa, dhaartan oo aad ku balanqaadeyso inaad runta sheegi doonto sidoo kalena aad su’aalaha lagu waydiiyo uga jawaabi doonto sida ugu habboon. Haddii aad rabto in aad ku dhaarato kitaab waa inaad soo qaadataa oo aad la timaadaa goobta dhageysiga dacwada.

Goobaha: Haddii dhageysigaagu uu ka dhacayo meel ka baxsan goobahan ay ka midka yihiin Montreal, Quebec; Toronto, Ontario; Calgary, Alberta ama Vancouver, British Columbia, waxaad ku arki doontaa Ogeysiiska Aragga (Notice to Appear) inaadan haysan cinwaan dhameystiran oo kuu sheegi kara meesha lagu qaban doono dhageysiga dacwadaada. Balse waxaad heli doontaa fariin ku eg sidan:

Immigration and Refugee Board
You are required to phone 1-8XX-XXX-XXXX within 5 days of receiving this notice to confirm the address of your hearing.
[City], [Province]

Commission de l'immigration et du statut de réfugié
Vous devez composer le 1-8XX-XXX-XXXX Pour l'adresse exacte de votre audience dans les 5 jours d'avoir reçu cet avis.
[Ville], [Province]

Fariinta ayaa kuu sheegi doonta inaad wacdo lambar telefoon oo ku yaala ogeysiiska si aad u heesho cinwaanka saxda ah ee goobta lagu qabanayo dhageysiga dacwada dalabkaaga qaxootinimo ee kowaad iyo waliba dhageysiga aan caadiga ahayn (dhageysiga labaad) ee kor ku cad. Haddii aad rabto inaad qoraal u soo gudbiso xafiiska qaxootiga ee qaabilsan arrimahaaga waa inaad la xidhiidhaa cinwaanka ku qoran qeybta hoose ee Ogeyssika Aragga (Notice to Appear).

Si aad u heshid macluumaad dheeri ah, fadlan eeg qeybta la socota ee ah Hagaha Dalbadaha (Claimant's Guide) ama la xidhiidh xafiiska RPD qeybta diwaan galinta (RPD Registry) ee dalabkaaga loo gudbiyey.
Tarjumaadda luuqadaha qalaad waxaa loo diyaariyey macluumaad siin oo kaliya. Haddii khilaaf soo baxo, nuqulka Ingiriiska iyo Farenjiga ah ayaa la raacayaa.

XAFIISYADA RPD DIIWAAN GALINTA

Bariga Kanada

MONTRÉAL
Guy-Favreau Complex
200 René-Lévesque Blvd. West
East Tower, Room 102
Montreal, Quebec H2Z 1X4
Telephone: 514-283-7733 or 1-866-626-8719
Fax: 514-283-0164

Bartamaha Kanada

TORONTO
25 St. Clair Ave E, Suite 200
Toronto, Ontario M4T 0A8
Telephone: 416-954-1000 or
1-866-790-0581​
Fax: 416-954-1165

Galbeedka Kanada

VANCOUVER
300 West Georgia Street,
Suite 1600
Vancouver, BC V6B 6C9
Telephone: 604-666-5946 or 1-866-787-7472
Fax: 604-666-3043

CALGARY
225 Manning Rd. NE, 2nd Floor
Calgary, Alberta T2E 2P5
Telephone: 403-292-6620 or 1-855-504-6764
Fax: 403-292-6131